Friday, October 22, 2010

Sideen u bedelaa qaabka ay u furmaan linkyada.

Si aad u bedesho qaabka linkiga uu u furmo amase meesha uu ku furmo, waa inaad LINKIGA (ama mid image leh ha ahaado ama mid qoraal kaliyah ah ha ahaadee) aad HIGHLIGHT ku sameesaa. Markaas kadib waxaad bedeli kartaa qaabka uu linkigaas u furmayo iyo weliba meesha uu furayo. Sida sawirka ka muuqata, HIGHLIGHT ku samee Imageka -dhageyso kuwii hore- kadibna riix EDIT/INSERT LINK buttonka ah ee sawirka ku calaameysan.


Waxaa kuu furmaya meel aad ka bedeli karto URLKA iyo Weliba qaabka uu bogga la furo noqonayo. Waxaa isweydiin leh, ma wuxuu noqonayaa mid boggaa hore la wareega mise mid bog cusub ah oo furma kii hore oo weli furan.

Waxaa layiraah TARGET.

TARGET waa meesha targetka u ah bogga cusub ee furmi doona.

Labada su'aal waa, ma mid cusub baa lagu furaa oo ah.

TARGET=Open in New Window

Mise bogga ayuu la wareegayaa oo ah Open in parent window. Dooro Open in New Window si makii linkiga la riixo uu isugu furo Browser window cusub si islamarkaa dhageystuhu usii aqristo webkii horey ugu furnaa.

Hoos ka arag markii Open New Window la doorto sida aan u calaameeyay.



Haye walaalkiis.

No comments:

Post a Comment