Tuesday, July 14, 2009

Sidee loo geliyaa Sawirrada articleka?

Halkaan waxaan kuugu sharaxayaa sida looga soo qaato sawirka articleka computerkaaga dhexdiisa dabadeedna loo geliyo maqaal aad markaas qoreyso. Midda koowaad, Riix Submit Article/News oo ka dhex muuqata User Menu-ga. Kadibna waxaa kuu soo baxaya bogga qoridda (editorka)



Riix battoonka Insert/Edit Image kan falaaruhu kuu tilmaamayaan.
Waxa kuu furmaya bogan oo ah Image Info field. Meesha la geliyo addreska imageka (img src ama image urlka)
Sida aad ka aragto graphic-ga waxaad heysataa meel aad geliso addresska imageka internetka kaga jiro. Haddii aad heysato addresska, eg. http://www.geesguud.com/gs/images/image1.jpg waad gelin kartaa. Hadii aad Computerkaaga kala soo baxeyso, riix Browse Server buttoonka ah ee Rightka kaga yaala image URL booska u banaan.




Waxaa furmaya images folder ee serverka ku dhex yaala. Optionadu waa 1. Choose File 2. Upload the File you chose, 3. Select the file from the list.

1. Riix Choose File si aad ugala soo baxdo Computerkaaga. Waxaa kuu furmaya Open Dialog box oo aad kasoo dooran karto fileka aad dooneyso computerkaaga.



Optionada halkaan waa A. Dooro fileka ama masawirka aad rabto inaad maqaalka raaciso. B. Riix Open si masawirka loo qaado oo serverka magaciisa loogu gudbiyo.

Markii aad riixdo open, waxaad ku soo laabaneysaa Halkaan.




Waa meeshii hore ee aad ka riixatay Choose file. Balse markaan waa soo dooratay fileka aad dooneyso inaad articleka raaciso, laakiin weli ma gelin serverka. Sidaa darteed waa inaad stepka 2 aad u gudubtaa. Riix Upload button.


Kadib markii Upload riixdo waxa masawirku geliyaa serverka waa folderka ah http://www.geesguud.com/gs/images/ Kaasoo filesku saan uga dhex muuqdaan adigoo weli meeshii kuu taagan tahay daaqaddu.

Kadib, dooro imageka adigoo halmar riixaya linkiga magaca sawirkii aad soo gelisay. Durbaba waxaad ku noqonee Image Info formkii ahaa ee urlka, alignment iyo sizeka aad ka dooraneysay. Waakanaa hoos ka muuqda.


Sawirka marka hore text-ga ayuu dul saaran yahay sida preview-ga aad ku arki karto, laakiin #3 ga waa Align Optionka. Falaarta 3 -ga riix oo dooro Left align ah. Sawirka ayaa dhinaca leftiga ka maraya qoraalka. Si aad u gashato sawirkii, riix 4-ka oo ah OK


Ugu dambeyn waa arki kartaa sawirkii oo soo galay. Waana diyaar.

Fadlan ku celceli ilaa aad ka fahanto maadaama practice badan gelinta sawirka u baahantahay.

No comments:

Post a Comment